berberatoday.com
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Oo Hoobiyeyaal Lagu Riday Iyo Laba Ka Mid Ah Shaqaalaha WFP Oo Ku Dhaawacmay Qarax
April 18, 2017 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com0-Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, ayaa Shalay lagu riday Hoobiyeyaal dhowr ah.

Warka Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la dagaallameen kooxda hoobiyayaasha ku riday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana Goobjoogayaal sheegeen inay rasaas is-dhaafsadeen ciidamada dowladda Soomaaaliya iyo kooxda Hoobiyeyaasha ku riday Garoonkaasi.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in laba ka mid ah kooxdaaasi la dilay, midna la qabtay.

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow, ayaa sheegay in shacabka ay gacan ka geysteen arrinta ayna la shaqeeyeen ciidamada dowladda.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in wada shaqeyntaasi ay caawisay in laga hortago kooxda hoobiyayaasha rideysay.

Saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ay qabteen gaadhi walxaha qarxa ay ka buuxeen oo raggaasi ay wateen. Waxay xaqiijiyeen in gaadhigaasi markii dambe uu qarxay.

Dhinaca kale, Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in qaraxa ay la kulmeen gawaadhi ay leedahay.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow goobtii ay marayeen gawaadhida hay’adda oo ah gudaha Muqdisho.

Laba ka mid ah ilaaladeeda ayaa dhaawac fudud uu gaadhay, sida ay sheegtay WFP oo baadhaysa in weerarka lala damacsanaa gawaadhideeda iyo in kale.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews