berberatoday.com
Fadeexad”Wasiir Cali Mareexaan oo Kaantaroolka Haleeya Xoog Kaga Soo Furtay Gaadhi Qaaliya oo Aan Cashuurnayn oo Uu Kala Soo Degay Dekeda Boosaaso
April 18, 2017 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Wasiir wasaarada hawlaha guud Cali mareexan ayaa kaantaroolka haleeya xoog kaga soo furtay gaadhi qaaliya oo kala soo degey dekeda boosaaso Baabuurkan oo aan cashuurnayn ayaa markii uu kasoo degay  dekeda boosaaso waxaa uu si qarsoodiya loogasoo wareejiyay galbeedka magaalada ceerigaabo gaadhigan oo ka mid ah noocyada qaaliga ah (NISSAN) islamarkaasna Khaliijka Carabta uu uu kasoo iibsaday ayaa waxaa laga soo  dejiyey dekedda Boossaaso ee Maammul-goboleedka  Puntland, wararka oo heshay Shabakada Yoolnews.com sheegayaan in gaadhigan lagu qabtay kaantaroolka haleeya iyadoo si qarsoodiya magaalada loo soo galiyay ayaa waxaa qabtay ciidamada booliska kaantaroolka haleeya iyo maamulka kastamka cashuuraha waxaana lagu xareeyay gaadhiga xerada ciidanka. Haleeya si loo cashuuro maamulka cashuuraha kastamka aya waydiiyay dirawalkii gaadhiga waday cida gaadhiga le iyo sababta uu cashuur la,aanta ee wadanka si dhuumasha ah loogu soo galiyay.

Waxaa isla markiiba maqlay oo loo sheegay wasiir cali mareexaan oo isagu lahaa gaadhigan qaaliga ah. Waxaana isla goobtaa tagay cali mareexaan si uu gaadhiga u soo furto waxaana markii uu gaadhay kastamka haleeya ayaa sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan shaqaalaha kastamka haleeya. Wasiir cali mareexaan isagoo wata ciidan tiro badan uu canaan iyo caga juglaynba kula kacay ciidankii gaadhiga qabtay iyo shaqaalihii kastamka cashuuraha haleeya sababta ay u xidheen gaadhigiisa iyo dirawalkiisii waxaanu cali mareexaan isagoo awood iyo shaadh dawladeed u adeegsaday soo furashada gaadhigiisa.

Ugu danbayntiina waxa uu xoog kusoo furtay baabuurkaas isagoo bilaa cashuura.

 

Arrinta cashuur la’aanta baabuurkan ayaa lasheegayaa in mas’uuliyiin dawladda katirsani dabada ka riixayeen, taasi awgeedna mas’uuliyiinta kastamka haleeya lagu amray inay cashuur la’aan  iskusoo weydaariyaan baabuurkaas.

 

Waxaana markii uu kasoo degay dekeda boosaaso ee uu soo gaadhay magaalada ceerigaabo lasheegay in ay leedahay haweeney ay walaalo yihiin Wasiirka cali mareexaan, haseyeeshee taas oo cadaatay in aanay gaadhiga lahayn haweenaydaasi   waayo ma jirto sabab kallifi karta in baabuur qof kale oo shicib ahi leeyahay loogu cashuuri waayo kastamka ugu horreeya ee uu soo gaadho ama iyadoo madaxda iyo hay’adaha ku shaqada leh ee dawladdu ogyihiin baabuurkaas loogu oggolaan karo cashuur la’aan inuu isaga gudbo gobollada Somaliland.

 

Dhinaca kale sababta looga soo dejin wayay dekedda Berbera oo ah  cashuur qaali ah oo laga cararayo ama arrimo kaleba, waxana isweydiinteeda mudan haddii mas’uuliyiinta dawladdu dekeddooda ka cararayaan bulshada kalena maxaa laga filan karaa, mase laga yaabaa in ay dalka ka bilaabanto isticmaalka dekedo yaryar oo si sharci darro ah waxyaabo badan looga soo dejin karo.

Maaha markii ugu horaysay ee wasiir cali mareexaan falalkan oo kale uu ku kaco waxaana dul hooganaya musuq-maasuq iyo boob uu ku hayo bulshada somaliland isagoo xoog kula wareegay dhulal ay dad danyari lahaayeen iyo mujaahidiintii wadanka u soo halgamay isaga oo waraaqo been abuur ah u samaystay dhulkaas isagoo shaadh dawladeed iyo awood xukumadeed u adeegsanaya.

Waxaakaloo xusid mudan in wasaarada uu wasiirka ka yahay uu ka shaqaalaysiiyay shaqaalihii ugu badnaa ee kasoo jeeda beeshiisa iyo lacago ay wasiiradu lahayd oo uu lunsaday.

Waxaanan idiin soo gudbin doonaa dad danyar ah oo uu xoog kagala wareegay dhulkoodii iyo mujaahidiintii wadanka u soo halgamay oo uu u adeegsaday awood xukumadeed iyo shaadh dawladeed

 

 

Xigasho Yoolnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews