berberatoday.com
“Qofku Hadduu Kelmad Ku Soo Galay Islaamnimada, Mid Gaalnimo Ahina Way Ka Saari Karta…” Sheekh Maxamed Cumar Dirir
April 16, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir, ayaa tafaasiil Diini ah ka bixiyey sida loola Macaamilayo Qofka Muslimka ah ee ku kaca Ficil keenaya Gaalnimo ama ku hadla Kalmado u soo jiidi kara Gaalnimo, isagoo Sheekhu ka digay in Dadka Muslimka ahi ay si fudud isku yidhaahdaan Erayo Diin ka bax ah.

Sheekh Maxamed Dirir oo khudbadii Jimcaha ee doraad si faahfaahsan ugaga hadlay fikirka Takfiirka iyo waxa Quraanka iyo sunnaha nebigu CSW ka sheegeen ayaa ku bilaabay sidan “Ilaahay Qur’aanka kariimka waxuu ku sugay in qofku siduu ugu soo galay kelmad Islaamnimadda,  kelmad gaalnimo u yidhaahdo ama ku dhawaaqana kaga bixi karo.”

Warka Sheekh Dirir

Sheekh Dirir ayaa sheegay in niman munaafiqiin ah ay ku jeesjeeseen Nebiga CSW iyo asxaabta, oo ay aflaqaadeyeen, taasoo Ilaahay aayado Quraan ah ka soo dejiyey ereyadooda ay fudaydsanayeen, ama leeyahiin kaftan ayey naga ahayd inay ku gaaloobeen, “Haddaad weydiiso, maxaad Nebiga CSW iyo asxaabta u caydeen, waxay odhanayaan, waanu iska ciyaaraynay oo kaftan ayey naga ahayd. Ma Ilaahay aayadahiisa iyo rasuulkiisa ayaad ku dheeldheelayseen, waxaad tidhaahdaa (Nebi Allow) waxba ha cudur-daaranina, waad GAALOWDEEN.’ Qofku wuu ku gaaloobi karaa qowlkiisa, ficilkiisa iyo hadalkaba, hadduu kelmad ku soo galay islaamnimada,  mid gaalnimo ahina way ka saari kartaa.” Ayuu yidhi Sheekhu, waxaanu intaa ku daray isagoo sharraxaya sida Qofka Muslimka ah loo gaalaysiin karo, waxaanu sheegay inuu yahay  keliya sifaha daliilka sharciga Ilaahay iyo Rasuulkiisa CSW ka soo arooray shardiga qof lagu gaalaysiin karo oo keliya, laakiin Qof aanu Qof uu neceb yahay ku sheegi karin Gaalnimo.”

Sheekha oo khudbadda sii wada ayaa sheegay “Rasuulka CSW si weyn ayuu uga digay in laysku tuurtuuro hebel waa gaal, reer hebel waa gaalo iyo ereyada la midka ah iyo halista ay leeyahiin, sida xadiis saxeex ah Nebigu CSW macnihiisu ahaa “Qofka walaakiisa muslimka ku yidhaahda KAAFIR, (Gaalow), wuu ugu yeedhay, ama wuu ku eedeeyey, haduu qofkaasi gaal yahay, way qabsanaysa, haddii aanu gaal ahayna, qofkii yidhi ayey ku soo noqonaysa, waanu ku GAALOOBAYAA, waajibna ku tahay inuu Ilaahay u soo noqdo oo towbad keeno” ayuu yidhi.

Sheekh Dirir oo ka digayey halista in gaalnimada ummada islaamku si fudud isugu tilmaanto, ayaa sheegay in Cali binu Abi Daalib RC, markuu la dagaalamayey qoladii Nebigu CSW sii sheegay ee Khawaarijta, oo weliba amray in la laayo, waxa la yidhi ‘Caliyow, Khawaarijta waa innaga dilay ee ma gaalaa? Markaa ayuu ku jawaabay, Hadda, gaalnimada ayaabay ka cararayaan. Wuu ku dhici waayey inuu gaalo ku sheego, iyadoo culimada qaarkood gaalo ku sheegeen. Qof kastoo  ficil ama qowl gaalnimo ka dhaco, isla markiiba lagu xukumi maayo gaalnimo ilaa la eegayo arrinkiisa, sida Ahlu-sunna waljamaaca qabaan. Ficilkii uu sameeyey oo la isku raacsan yahay inuu gaalnimo yahay, ayaa haddana dib loo eegayaa qofkii sameeyey in lagu xukumi karo, maaddaama ay jiraan waxyaalo ka mamnuuci kara in xukunkaa lagu qaado, waana muhiim in la ogaado, waxa ugu horeeya.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay “Gefka, Qofka marka loo yeedho waxa la odhanayaa arrinka gaalnimadu ma gef ayuu uga dhacay mise ula-kac, sida xadiis Nebiga CSW ku soo arooray.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Khasabka, marka qofka lagu dirqiyo inuu ku dhawaaqo kelmad kufri ah, xukunka gaalnimadu kuma waajibayo, sida Ilaahay aayad qur’aan ku sheegay macnaheedu ahaa, “Qofka kufriya islaamnimadiisa ka dib, haddaan lagu khasbin, isagoo iimaanku qalbigiisa ku sugan yahay.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Aqoon-darada, haddii qofku jaahil ka yahay in ficilka ama qowlka uu yidhi lagu gaaloobo, waa loo cudur daarayaa, sidii Nebigu CSW ugu cudur-daaray saxaabo hadal gaalnimo keeni kara ku yidhi, aqoondarro ka haysay awgeed.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Carruur,  haddii aanu qofku qaangaadh ahayn, ficilkii gaalnimada keenayey waa looga cudur-daarayaa, laguma xukumayo, sida kale ayaa loo edbinayaa.”

Sheekh Dirir waxa kale oo khudbaddiisa Jimcaha ku soo qaaday “Waalida, sidoo kale qofkii waalan, laakiin marada iska sita hadduu kelmad gaalnimo ku hadlo, waa la baadhayaa caqligiisa, hadduu ku sifoobo waalida waa loo cudur-daarayaa.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews