berberatoday.com
Fanaan Caana Oo Kasoo Jeeda Jufada Hoose Ee Madaxweyne Siilanyo Oo Xisbiga Waddani Utilmaamay Qaabkuu Ku Hanan Karo Hogaaminta Iyo Talada Dalka Isaga Oo Soo Qaatay Guuldaradii Xisbigii Udub Iyo Sidii Lagaga Adkaaday
April 16, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Fanaanka Caanka ah ee Maxamud Xuseen Halwed ayaa tilmaamo iyo hogo tusaalayn guusha Hogaaminta dalka Uhorseedi Kara Xisbiga wadani Utilmaamay, isaga oo Fananku soo qaatay qaabka lagaga guulaystay xisbigii Udub Doorashadii 2010kii iyo Siro qarsoonaa oo Fanaanku Kashifay kuwaas oo Xisbiga Kulmiye kaga Guulaystay xisbigaas Udub ee ahaa Aabaha Xisbiyada Somaliland oo gabi ahaanba Saaxada Siyaasada Ka Baxay.

Waxa kaloo uu Fanaan Maxamud Xuseen Halwed uu Tilmaamay in aanu dalka Somaliland ka jirin Xisbi Mucaarad dhab ah Xisbiga Kulmiye ee talada dalka Hogaamiya Kaga Guulaysan kara loolanka loogu jiro Hogaaminta iyo Talada dalka. waxase uu fanaanku talo kusiiyay Xisbiga Waddani oo uu sheegay inuu taageere dhab ah uyahay inuu Mucaaradadiisa ka dhabeeyo si uu guul uga gaadho doorashooyinka Soo socda.

Waxaanu Fanaanku qoraal uu Pagekiisa Barta Facebooka soo dhigay uu udhignaa sidan”

Siday Aniga Ila Tahay

Xisbigii Udub Iyo Dawladiisii Maxaa Lagaga Guulaystey Baad Is odhan Kartaa

Waxay Aniga Ila Tahay .in Xisbigaa Udub Iyo Dawladiisii Lagaga Guuleystey
Laba Arimood
1- Dawladii Udub Waxay Caadeeysatey Inay Mudo Kordhin Cimri Dherer Ka Dhigato . Taasina Waxay Sababtay In Umadii Qanac Istaagto .oo Kalsoonidii Dadku U Hayeen Sii Yaraato .

2- In Mucaarad Dhab Ah Oo Mucaarad Nimadiisu Kal Iyo Laab Tahay Ka Hor Yimaado Oo Ahaa Xisbiga Kulmiye

Hadaba Xukuumada Kulmiye Ee Talada Haysa Labadaa Arimood Ee Udub Ku Dhacday Mid Ka Mida Dhabtay Ku Haysataa . Taas Oo Ah Mudo Kordhin Iyo Umadii Oo Qanac Iyo Quus Ka Joogta

Lakiin Waxa Kulmiye Niyadiisa Sii Beeraya
Oo Ahmiyad Iyo Rajo Sii Gelisay

In Aanu Wakhti Xaadirkan Jirin Xisbi Mucaarad Dhab Ah Oo Ka Riixan Kara Booska Loo Tartamayee ah Talada Wadanka

Hadaba Waxaan Leeyahay Xisbiga Wadani Ee Aan Taageero . Mucaarid Nimadiinu Ha Noqota Ama Haw Ekaato
Tii Uu Kulmiye Ahaa 2009

 

 

Berberatoday.com

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews