berberatoday.com
Xukumada Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabishay Madax Ka Tirsan Federaalka Dawlada Xamar Duhur-cad Kuwo Kalena Xrrbta Bada Berbera U Dalxiis Geysay
April 15, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabishay Xoghayaha koowaad [First secretary-ga] Safaaradda dawladda Soomaaliya ku leedahay Magaaladda Jidaha ee dalka Sacuudi Arebia, kaasoo lagu magacaabo Mr. Axmed Farhaan. Ma jiro war kasoo baxay Xukuumadda oo daboolka ka qaadaya ujeedada uu ku qotamey socdaalkiisu.
Hase-yeeshee ila wareedo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa masuulkaas Soomaali-weyn, ayaa tibaaxay in Ninkan oo ku safrayey Passport-ka Cas ee Diblomaasiyiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya qaataan, waxa Toddobaadkii hore uu kasoo degay Madaarka Cigaal International ee Magaaladda Hargeysa, halkaasoo qadar kooban markii qolka marti-sharafta [VIP-ga] ee Madaarka uu ku nastay, ayaa waxa loo qaaday dhinaca Madaxtooyadda oo sida wararku xuseen kulan saacado qaatay uu kula yeeshay Madaxweynaha, Marwadda Madaxweynaha, iyo sidoo kale xubno ka tirsan shaqsiyaadka awoodda badan ku leh qasriga dalka looga taliyo.
Mr. Axmed Farhan oo sida la sheegay isagu dhalasho ahaan kasoo jeedda Somaliland, isla markaana qaraabo dhow ay yihiin Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii dhawr maalmood uu joogay Magaaladda Hargeysa, waxa uu u dhoofay dhanka Magaaladda Muqdisho, halkaasoo ay ku sugayeen wefdigii uu la socday markii hore intii aanu kaga hadhin Magaaladda Hargeysa. Waxa kaloo iluhu intaa ku dareen Mr. Axmed Farhan in ujeedka safkiisu la xidhiidhay sidii dawladda Sacuudiga loogu qancin lahaa in Somaliland tahay Maamul-goboleed ka tirsan deegaanada ay xukunto dawladda Federaalku.
Docda kale, wararku waxay intaa ku dareen in safarka masuulkani aanu ahayn kii u horeeyay ee Somaliland uu ku yimaado sarkaal sidan oo kale ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya, hase-ahaatee, isla Toddobaadkaasi waxa isna Madaarka Hargeysa kasoo degay Wasiirul-dawlaha Xannaanada Xoolaha ee Maamul-goboleedka Puntland, kaasoo siday Shabekadda Yoolnews u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay uu socdaalka ku weheliyay Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Somaliland Cabdulaahi Maxamed Daahir “Cakuse”, oo halkaa ay kaga wada qayb galeen shir loo qabtay masuuliyiin ka socdey maamul-goboleedada iyo dawladda dhex ee Soomaaliya.

Shirkaas ayaa ujeedkiisa ilaha warka aanu ka helnay, waxay ku fasireen inuu ahaa mid lagaga hadlayey arrimo dhawr ah oo dhammaantood ku qotomay ama la xidhiidhay Xoolaha nool ee Soomaalida iyo caafimaadkooda. Hadaba Wasiir Cakuse, oo isagu gadh-wadeen ka ahaa Wasiirul-dawlaha reer Puntland, ayaa sida xogaha lagu sheegay waxa masuulkaas uu u dalxiis geeyay Magaalo-xeebeedka Marsadda ah ee Berbera, halkaasoo ay degeen Hotelka Maansoor ee Magaaladda Berbera, kadib-na Wasiirul-dawlaha reer Puntland markii danbe u dhaafay dhankaa iyo Maamul-goboleedka Puntland.
Xukuumadda Somaliland iyo masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE, ayaa dhawrkii bilood ee u danbeeyay, waxay caado ka dhigteen cid kastoo siyaasadooda ka hortimaada inay mar-mariyaan ama ku xajiimeeyaan eedo aanu lahayn, iyagoo ku eedeynaya Soomaali-weyn iyo waxa uu xidhiidh la leeyahay maamulka Muqdisho

 

 

 

Xigasho Yoolnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews